U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay Inay Soo Afjareen Dagaalladii Ka Dhanka Ahaa Al-shabaab Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in lasoo afjaray dagaalladii ka dhanka ahaa Xarakada Al-shabaab, kaasi oo ka soconayey deegaanno ka mid ah gobolka Mudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulkaasi ayaa lagu sheegay in dagaalladii ay la galeen Al-shabaab ku dileen 115 ayna nolosha ku qabteen 110 kale.

War-saxaafadeedka ayaa sidaan u qoran:- 

Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dagaalkii lagula jiray firxadkii Al-Shabaab la soo afjaray. Ciidamada GalMudug oo muddo afar maalmood ah dagaal kula jiray firxadkii kooxihii argagaxisada ee ka soo cararay dhinaca Puntland ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan iyadoo halkaas looga guuleystay oo looga dilay 115 maleeshiyada ah, loogana qabtay maxaabiis gaaraya 110, halka in-yar ay baxsadeen.

Madaxweynaha Dowlada GalMudug ee Soomaaliya Mudane Cabdikarin Xuseen Guled ayaa ammaanay ciidanka GalMudug sheegeyna in dagaalkii afartii maalmood uu soo gabogaboobay ka dib markii argagaxisada looga itaal roonaaday. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Shacabka iyo Dowladda GalMudug waxey aad u ammaanayaan ciidamada GalMudug oo si geesinimo leh mudo afar maalmood ah ku soo afjaray dagaal ay kula jireen kooxaha argagaxisada ah oo ka soo firxaday Puntland isla markaasna rabay inay deegaanada GalMudug ku soo dhuumaaleystaan si ay isu abaabulaan oo ay u wadaan argagaxa ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Dagaalkii socday 4ta maalmood ciidanku waxey dagaalka ku dileen 115 kooxda argagaxisada ah, waxaana laga soo qabtay 110 maxaabiis ah oo ciidanka iyo maamulkaba ay ula dhaqmayaan si waafaqsan diinta Islaamka, shuruucda dalka iyo shuruucda caalamka oo la dhowrayo xaquuqdooda isla markaasna loola dhaqmayo si wanaagsan. Hase yeeshee waxaa jira maleeshiyaad yar oo firxad ah oo baadiyaha u baxsaday.”

Madaxweynaha GalMudug ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ay ka go’antahay sidii maleeshiyaadka Al-Shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada GalMudug isla markaasna ay ciidamada GalMudug diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii deegaanada kale looga taageeri lahaa isla markaasna loola wadaagi lahaa macluumaadka si dalka oo dhan looga saaro kooxahan caadeystay inay argagax ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Guled ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay istraatejiyadooda tahay inay culeys weyn soo saaraan gobollada waqooyi oo ay saldhig ka dhigtaan Puntland iyo Somaliland oo nabad ah. Damacooda ayaa ah inay gobollada dhexe fariisin ka sameystaan oo ay isagu gudbaan koofurta iyo waqooyiga.

Madaxweynaha GalMudug ayaa ugu baaqay shacabka, Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka inay gacan xoogan ka geystaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah si looga sifeeyo dalka oo dhan. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Guushan ay ciidamada GalMudug ay afartii maalmood ka gaareen iyo guulihii ka horeeyey ee ciidamada Puntland ka gaareen waa kuwo u baahan in la joogteeyo oo laga hor istaago argagaxisada inay dib isu aruursadaaan oo isku abaabulaan. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan ciidamada. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka in loo baahanyahay in la sii joogteeyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah oo maalmo gudahood aan ku helnaa dhammaan tasiilaadkii ciidanku u baahnaayeen sida rasaas, hub, gaadiid, iyo diyaaradihii dagaalka si kooxaha argagaxisada ah looga hortago inay is-urursadaan oo dib isu soo abaabulaan. Waqtiga aad buu u cararayaa, guulaha la gaarayna waxey u baahanyihiin in la joogteeyo.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha GalMudug ayaa sheegay in dhalinyarada ka tirsan maleeshiyaadka loo fidinayo cafis haddii ay nabada qaataan oo ay isu soo dhiibaan ciidamada. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Waxaan ognahay in kooxaha argagaxisada ah ay caruurta iyo dhalinyarada qaldaan oo ay dagaal geliyaan aan ujeedo laheyn. Sidaas daraadeed, Dowladda GalMudug waxey ugu baaqeysaa in dhalintaas ay nabada qaataan oo ay ciidamada isu soo dhiibaan, iyagoo loola dhaqmayo si wanaagsan. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa madax dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha bulshada inay kala shaqeeyaan Dowladda GalMudug sidii gacan nabadeed loogu fidin lahaa cid allaale iyo cidii ka tanaasusha dagaalada oo doonaya inay nabada ka howlgalaan.”

DHAMAAD