U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay Inay Weerar Dagaal Ku Yihiin Degmada Xarardheere Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay wadaan qorsheyaal ay kula wareegayaan deegaannada maamulkaasi ka taliyo ee ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Daahir Fiidow oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta maamulka Galmudug oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Federaalka ah ay dhawaan wajihi doonaan Degmada Xarardheere iyo deegaanno kale.

“Galmudug wey ka go’an tahay in deegaanadeeda ka xureyso Al-shabaab, waxaa xaqiiq ah in awoodda ciidamada Galmudug tahay mid muuqata, waxayna kaashan doonaan ciidamada dowladda Federaalka ah, waxaan waxaan qabaneynaa Xarardheere si shacabka looga dul qaado kuwa dhibka ku haya” ayuu yir Wasiir ku xigeenka.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug waxay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadeen deegaanno ka mid ah gobalada Mudug iyo Galgaduud, waxaana dhawaan ay dagaal kula wareegeen deegaanka Wabxo iyo deegaanno kale.

Goobjoog News