U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Wada Hadal La Furaya Garabka Ahlu-sunna Ee Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in wada hadal ay la furayaan garabka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb, ka dib markii ay kasoo horjeesteen heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Cadaado.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Dheere oo u waramay Barnaamijka Maxaa Lagu heshiiyay ee Goobjoog News, ayaa sheegay in maamulkooda uu ku howlan yahay wada hadallo ay la furaan garabkaasi.

Waxa uu tilmaamay in maamulkooda uu ku howlan yahay sidii sare loogu qaadi lahaa nabadda iyo heshiiska, sidaa darteedna ay la fariisanayaan cid walba oo wax tabanaysa.

Wasiirka ayaa cadeeyay in ka maamul ahaan ay qirsan yihiin inay jiraan xubno ka mid ah Ahlu-sunna oo weli wax tabanaya.

“Wada Hadal ayaan la galaynaa garabyada Dhuusamareeb iyo Guriceel, anaga waxaa naga go’an in miiska aan la fariisanno cid walba oo wax tabasho qabta” ayuu yiri Wasiirka.

Garabka Ahlu-sunna ee maamula degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa kasoo horjeestay heshiis 28-kii August ay degmada Cadaado ku gaareen Galmudug iyo madaxda Ahlu-sunna.

Goobjoog News