Maamulka Galmudug Oo Waxgaradka Degmada Balanbal Kala Shiraya Sidii Maamul Loogu Sameyn Lahaa Degmadaasi

Maamulka Galmudug State ayaa wada qorshe maamul loogu sameynayo degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud, iyadoo sameynta maamulkaasi lagala tashanayo waxgaradka ku dhaqan degmadaasi.

Madaxweyne ku xilgeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ku sugan degmadaasi ayaa wada tashi la leh dadka deegaanka, si loo xog wareysto maamulka ay ku qanacsan yihiin in loo sameeyo.

Arrimaha ugu weyn ee madaxweyne ku xigeenka u tagay degmadaasi ayaa ah in la sameeyo maamul haga dadka deegaanka, sidoo kalena la yimaada wax qabad muuqda.

Maalin kahor ayaa maamulka Galmudug waxa uu maamul cusub u sameeyay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobalka Galgaduud, ka dib bilooyin badan oo degmadaasi maamul la’aan ahayd.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW