U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Yeeshay Garoon Diyaaradeed Cusub (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa yeeshay garoon diyaaradeed cusub, kaasi oo qiyaas ahaan 8-km u jira magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa shalay ka degay garoonkaasi oo lagu magacaabo USHAKA, waxaana mar uu saxaafadda la hadlay u sheegay in garoonkaan uu yahay midka rasmiga ah ee ay isticmaali doonaan shacabka Galmudug ee gobalka Mudug.

Guuleed ayaa dhinaca kale sheegay in maamulkiisa uu aad ugu dadaali doono sidii shacabka wada deggan Mudug, kana soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ugu wada noolaan lahaayeen nabadda.

“Waxaa naga go’an in shacabka wada deggan Mudug, ee Puntland iyo Galmudug aan ku dadaalno sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen, waxaan u baahannahay in shacabka ay ahaadaan dad mid ah oo ka wada shaqeeya nabadda iyo amniga” ayuu yiri Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale ugu baaqay maamulka Puntland inay kala shaqeeyaan amniga iyo xasilinta guud ee gobalka Mudug oo Labada maamul kala qeybiya.

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in madaxweynaha Galmudug iyo wafdiga uu hogaaminayo ee jooga Gaalkacyo ay safar ku aadaan deegaanno kale oo ka mid ah gobalka Mudug.

IMG_3712 IMG_3716 IMG_3713 IMG_3714

Goobjoog News