U bood dhigaalka

Maamulka Garasbaalley Oo Dhaliilay Maamulka Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka gaabiyey caawinta qoysaskii kasoo barakacay abaarta dalka ka jirta ee ku sugan deegaankaasi.

Guddoomiyaha deegaankaasi Cismaan Axmed Cali oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in barakacayaasha ku sugan Garasbaaley ay halis ugu jiraan iney gaajo u dhintaan.

Gobolka Banaadir ayuu sheegay iney bixiyaan oo kaliya raashiinka 10 maalin iyo lacag yar oo aan waxbo u qaban dadka kusoo barakacay Garasbaaley.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Halkii Kaam ay ku nool yihiin dad ka badan 400, kuwaasi oo aan haysan wax ay cunaan isaga oo tilmaamay in maamulkooda dhexda u xirtay oo jaabkooda ay ka bixiyaan dadkaasi masaakiinta ah wixii lagu quudin lahaa.

“Annaga ayaa jeebkeenna ka bixinna raashiinka qoysaskaasi la siiyo, gobolka Banaadir wuxuu noo keenaa kaliya 110 loor oo 10 maalin ah, iidaanna 800 doolar, kuma filna, dad masaakiin ah ayaa shaqeynaya cid waxbo ma siiso, marka in lagu faanno oo la yiraahdo dadkaasi maalin walbo ayaan wax siinnaa waxaan leennahay waa been waxbo kama jiraan, guddoomiye Taabit waxaan leeyahay munaasabad ayaa ku dhigatay lacag inta ay la egtahay caqligeeda diidaya, dadkiina meeshan ayeey ku baaba’ayaan aakhirana waa lagu weyiin doonaa” ayuu yiri guddoomiyaha Garasbaaley.

Ugu dambeyn guddoomiye Cismaan ayaa ugu baaqay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya iney iyaduna kaalinteeda kasoo baxdo oo dadka ku xanuunsanaya deegaankaasi ay daweyn rasmi ah u sameeyaan.

Goobjoog News