U bood dhigaalka

Guddiga Xalinta Arrinta Gedo Oo Garbahaarreey Loo Diiday!

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo, taas oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay baaq  u direen shirkkada diyaarada, iyaga  uga digay iney soo qaadaan guddigii dhowaan uu magacaabay Rooble.

Maalmulka oo shir-jaraa’id ku qabtay garoonka diyaarada degmada, ayaa sheegay in aan  loo soo qaadi karin guddiga qiimaynta amniga Garbahaarrey, kaas oo dhowaan la filaayey in maalmaha soo aaday ay guddigu u ambobaxaan degmada.

Guddoomiyaha ku-xigeenka degmada Aadan Siraad Maxamuud iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ayaa si wadajir ah u sheegay in shirkaddii ka dhago-adeygta ee keenta guddiga ay maamulku tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

“Shirkaddii soo qaada guddiyadaas iyo wixii aan annagu isku ogeyn, wixii ku imaada iyada ayaa qaadanaysa,annaga gobolka Gedo ayaa nala dhahaa, xuquuq ayaan leenahay, dalka ayaan ka tirsan nahay, haddii xuquuqdeeni naloo diiday inaan gobolkeena aan u madaxbannaano ayaan ku qasban nahay” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenga degmada Garbahaarrey.

Degmada Garbahaarrey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ayaa waxaataalla 16 kursi oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana dhowaan Ra’iisalwasaare Rooble u magacaabay guddi soo qiimeeya sida ay doorasho uga dhici karto,waxaana dhowaan ay gaareen magaalada Kismaayo iyaga oo la kulmay waxgarad kasoo jeeda gobolka Gedo.

Goobjoog News