U bood dhigaalka

Maamulka G/Banaadir oo hawlo lagu dayactirayo nalalka cadceeda ku shaqeeya ka bilaabay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

10433122_1527557797482974_7668253539878806500_nMaamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaabay hawlo lagu dayactirayo nalalka cadceeda ku shaqeeya ee wadooyinka magaalada Muqdisho.

Dayactirkaan lagu sameeynayo nalalka dansan ee cadceeda ku shaqeeya ayaa waxa ay timid kadib markii nalalka cadceeda ku shaqeeya qaarkood uu ka dhacay batterigii ay ku shaqeynayeen taasi oo hada maamulka Gobolka Banaadir uu dayaactir balaaran ku sameynayo.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud faarax (Cali Seeko) oo ka mid ahaaa masuuliyiintii kormeersay shaqada dayactira nalalka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hawlgalayo nalalka dansan ee wadooyinka maagalada Muqdisho si kor loogu qaado bilicda magaalada iyo aamankaba.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in maamulka Gobolka Banaadir uu  wado hawlo badan oo sare lagu qaadayo bilic soo celinta magaalada Muqdisho iyo aamanka caasimada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday wadooyinka magaalada Muqdisho hawlo dib loogu dayactiro nalalka cadceeda ku shaqeeya ee (Solar lights.)

10624741_1527558064149614_6407008643206226371_n 10433122_1527557797482974_7668253539878806500_n 10414854_1527558037482950_2334208204104482293_n 10358749_1527557130816374_2561238719034388552_n 10301278_1527557624149658_2623790472779818219_n 10300963_1527558067482947_4684594345159349614_n

Goobjoog News