U bood dhigaalka

Maamulka Gedo: Axmed Madoobe Wax Xiriir Ah Nagama Dhaxeeyo Dadka Reer Jubbaland Waa Ay Ka Tashadeen

Sheeko:Amniga

Maamulka gobalka Gedo ayaa sheegay in aysan wax wada shaqeyn ah kala dhaxeyn maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam, isla markanaa ay sugayaan inta uu ka dhamaanayo mudda xileedka Madaxweynaha.

Guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali doonin guddiyada doorashada ee heer maamul gobaleed oo laga soo magacabay Kismaayo.

Bulle ayaa ugu horeyn sheegay in markii ay la kulmeen ra’iisul wasaare Rooble ay u sheegen mowqifkooda Jubbaland.

” Ra’iisul wasaaruhu waxa uu inoo shegay markii aynu la hadalnay doorkiisa koowad in uu yahay dalka oo dhan in ay doorasho ka dhacdo, taasne uu ku dadaalayo uuna diyaar u yahay doorashadaas in ay qabsoonto, annagana waan soo dhaweynay arintaas ayada ah in dalka ay doorasho ka dhacdo diyaarna aan u nahay qodobka koowaad buu ahaa” ayuu yiri Guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle oo la hadlay laanta Afka soomaaliga ee BBC.

Axmed Buulle ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray ” Ra’iisul wasaaraha waxaan kaloo u sheegnay annaga iyo Axmed in aan wax xiriir ah aanan laheyn, Axmedne dadkaan Jubbaland go’aaney ka gaareen, Jubbaland deegaan keeda dadka u dhashayna ay isku imaanayaan gogolna ay u taallo ayna dhiganayaan magaalada Garbahaarrey, ayna ugaas yadoodii iyo wax garadkooda inta isku yimaadaan ay ddhisanayaan Jubbaland in ay naga go’an tahayna waan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, saacadda Axmed waqtigiisa ay dhamaatana gogosha wa ay u fidsan tahay dadka Jubbaland”.

“Axmed mudadiisu 20-ka bisha 8-aad bey ku egtahay, 20-keeda gogosha waa ay furan tahay Cida hal maalin axmed ugu dari karto malahan, ciddi howshaas ayada ah damacdana waxa ay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo iyo waxa meesha ka dhaco ayada la weydiina” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle.

Gedo ayaa waxa ay ka mid tahay caqabadihii muddo ku hor gudbanaa doorashada Soomaaliya, xilli DF iyo maamulka Jubbaland ay ku kala tageen dhowr jeer.

Hadalka maamulka gedo ayaa yimid xilli rooble uu booqosho ku tagay maagalada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo.

Goobjoog News