U bood dhigaalka

Maamulka Gedo Ee Jubbaland Oo Sheegay In La Xalliyay Muran Siyaasadeedkii Ka Jiray Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Gedo ee Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in gabi ahaanba lagu guuleystay xallinta muran siyaasadeedkii maalmahani ka jiray gobalkaasi.

Axmed Buulle oo ah gudoomiyaha gobalkaasi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in maalintii shalay ahayd lasoo gabagabeeyay wax walba oo khilaaf ah oo jiray.

Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada ayuu sheegay in kaalin ay ka qaateen dhameynta khilaafyadii jiray, islamarkaana ay billaabatay shaqadoodii ugu horreysay.

“Waxaa lasoo af jaray wax walba oo khilaaf ah oo jiray, wada hadal ayaa wax walba lagu dhameeyay, waxaan billaabeynaa hadda shaqooyinka na horyaalla” ayuu yiri gudoomiyaha.

Gudoomiye Buulle ayaa dhinaca kale sheegay in shaqada ugu horeysa ee maamulkiisa qaban doono ay tahay in la isku furo dhammaan wadooyinka kala xiran ee gobalka Gedo.

“Shaqadeenna Koowaad ayaa ah in la isku furo wadooyinka gobalka, ka shaqeynno amniga inaan la dagaallanno argagaxisa, sidoo kalena aan wax ka qabanno adeegyada caafimaadka” ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Gedo.

Gudoomiyahii hore ee gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa diidanaa xilka uu ka qaaday Axmed Madoobe, islamarkaana lagu bedalay Axmed Buulle, taasi oo muran siyaasadeed badani ka dhalisay Xarunta gobalka Gedo ee Garbahaarey.

Goobjoog News