U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Baay Oo Baaq Nabadeed U Diray Beello Ku Dagaallamay Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Baay ayaa baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo dhawaan ku dagaallamay deegaanka Aw-diinle iyo deegaanno kale oo gobalkaasi ka mid ah.

Gudoomiyaha gobalkaasi Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhinacyadaasi dagaallamay, isaga oo tilmaamay in Labada dhinac looga baahan yahay inay u hogaansamaan Odayaasha dhaqanka ee waan waanta wada.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dadkani isku haystaan lahaanshiyaha dhul halkaasi ku yaalla, isaga oo sheegay in ay ka xunyihiin dad wada deggan oo dagaallamaya.

“Waxaan ka xunnahay beelaha ku dagaallamay Awdiinle, waxaan leenahay nabadda qaata, oo u hogaansama Odayaasha nabadda idiin wada, ma ahan in xilligaan aad ku dagaallantaan deegaan idinka oo muddo wada deganaa” ayuu yir gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha gobalka Baay ayaa ku hanjabay in cid walba oo nabadda diida in laga safan doono, islamarkaana shacabka laga qabanayo.

Deegaanno ka mid ah gobalka Baay waxaa muddoyinkii ugu dambeeyay ka jiray dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jiray.

Goobjoog News