U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dayactir Ku Billaabay Wadada Isku Xirta Dekadda Muqdisho Iyo Villa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dayactir ka billaabay waddo isku xirta dekedda magaalada Muqdisho iyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, taasi oo horay burbur uu uga muuqday.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhagax dhigay maanta oo Talaado ah wadadaasi, waxaana uu sheegay in ay dib u habeyn ku sameyn doonaan dhammaan waddooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho.

“Waxaa farxad noo ah in aan dhagax dhigno wadadaan isku xirta madaxtooyada iyo dekedda oo aan ogsoonnahay inay burbursaneyd muddo badan, waxaan rajeyneynaa in 29-ka bishaan February 2016 aan furi doonno wadadaan oo dhisan, waxaana doorkaasi qaadanaya waaxda bullaacadaha iyo jidadka ee gobolka Banaadir” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan hareeraha wadadaan la dayactirayo in ay kaalin ka qaataan sidii ay ku caawin lahaayeen shaqaalaha dhisaya wadadaan oo aanay u baahan in maqaayadaha ka raadiyaan biyo iyo wax ay cunaan.

Waddooyin badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka muuqda burbur baahsan, hase ahaatee maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu qorsheynayo sidii uu ku dayactiri lahaa waddooyinkaasi.

Goobjoog News