U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Ganaax Lacageed Ku Soo Rogay Dadka Aan Qaadanin Qalabka Afxirka

Sheeko:Amniga

Maamulka gobalka Benaadir ayaa ku Amar ku soo rogay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir ayaa laga soo saaray Amaro looga hortagayo safmarka Corona .

Maamulka ayaa sheegay in dadka uu soo ridanayo xanuunka ay bateen maalmihii la soo dhaafay , loona baahan yahay in ay shacabka ka taxadaraan.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Saalax Carab ayaa sheegay in loo baahan yahay in qof walba uu soo qaato qalabka looga hortago Xanuunka , ciddi soo qaadan weysaysana la dul dhigayo Ganaax Lacageed.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in laga bilaabo maanta qofkii aan wadan qalabka Afka lagu xirto Face Mask in la ganaaxi doono.

Qofka ka soo tago Face Mask ayeey sheegen in laga qaadi doono lacag dhan $5 , ciddii aan bixinna Xabsiga lageyn doono.