U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Shaaciyay Tirada Rasmiga Ah Dadka Ku Dhintay Xaafadda Juungal Ee Degmada Yaaqshiid Ka Dib Biyo Ay Cabeen (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

gobolka-banaadirMaamulka gobalka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday tirada rasmig ah dadkii ku dhintay maanta xaafadda Juungal Degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, ka dib markii ay ku sumoobeen biyo ay cabeen.

Gudoomiye ku xiogeenka dhinaca siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in hadda loo xaqiijiyay in ay dhinteen 8 qof, sidoo kalena dadka xanuunsanaya ay ka badan yihiin 100 qof.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo xoogan oo dadkaasi loogu gurmanayo, isaga oo carabka ku dhuftay sidoo kale in la baarayo qaabka ay dadkaan u sumoobeen.

Xilli walba qasaaraha dhimashada waa uu sii badan karaa, maxaa yeelay dadka qaar ayaa aad u liita, waxaana dadka ay yihiin kuwo Shuban Biyood iyo Matag isku daray.

Ceel biyood ku yaala xaafadda Juungal ayaa la sheegay in dadkaan ay ku sumoobeen ka dib markii ceelkii hore lagu bedalay ceel cusub oo dhawaan la qoday.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News