U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Sheegay In Garab Buuxa Ay Siin Doonaan Caruurta Agoonta Ah Ee Magaalada Muqdisho Kunool (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MuungaabMaamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in garab buuxa ay siin doonaan caruurta agoonta ah ee ku nool magaalada Muqdisho, islamarkaana ay horumaro gaarsiin doonaan.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in agoonta hadda gacanta ay ku hayso hay’ad laga leeyahay dalka Qatar ay shaqooyin siin doonaan markii ay soo dhameystaan waxbarashadooda.

“Maamulka Gobalka Banaadir waxa uu idiin balan qaadayaa in markaad wax barataan shaqooyin idiin siiyo, waxaan arkayay agoon Sanad Ama Laba Sano Ka dib shaqeyn kara, markaad Jaamacadaha soo dhameysataan dowladda Hoose ee Xamar Shaqooyin ayeey diyaar idiin la tahay”Muungaab ayaa sidaasi yiri.

Dhanka kale Muungaab ayaa dowladda Qatar Sheegay in wax badan ay ka saaciday dowladda Soomaaliya, sida agoon badan oo gacanta ay ku hayso mid ka mid ah Hay’adaha dalkaasi, kuwaa oo shalay munaasabad loogu qabtay magaalada Muqdisho.

Agoon badan ayaa ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, marka laga soo tago kuwaan nasiibka u helay in la caawiyo, waxaa kaloo jira agoon kale oo weli laga warqabin kuna dhiban xaafadaha magaalada.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News