U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Banaadir “Waa Horumar Lagu Talaabsaday In Dhalinyaro Soomaaliyeed Ay Sameystaan Baarlamaan Iyaga u Gaar Ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

gobolka-banaadirMaamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in horumar balaaran ay tahay dhismaha Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo dhawaan magaalada Muqdisho looga dhawaaqay, waxaana maamulka uu sheegay in Isbedal amniga, iyo horumar ay dalka gaarsiin karaan dhalinyaradaan isku tagay.

Maxamed Aadan Guuleed Caano Geel oo ah gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda ayaa isaga oo wareysi siinayay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay aad ugu farxeen dhismaha Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Ka maamul ahaan waxaan u aragnaa arin aad u fiicin, marka hore cududooda iyo caqligooda ayeey isku geynayaan taas oo horumar ka dhalan karo, Marka Labaad falalkii dhalinyarada ka qeyb qaadan jirtay ee amni darada ayeey ka hor imaaysaa, ka gobal ahaanna aad ayaan ugu faraxsannahay in dhalinyaradeena ay u jeestaan dhanka horumarka” Caano Geel ayaa sidaasi yiri.

Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan looga dhawaaqay Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaa oo ka kooban 275 xubnoo, kuwaa oo doortay gudoomiye iyo ku xigeenadiisa.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 Goobjoog News