U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Banaadir “Waddo Xiran Muqdisho Kuma Taalli Doonto”

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa mar kale shaaca ka qaaday in aysan jiri doonin waddo xiran oo magaalada Muqdisho, islamarkaana maalmaha soo aadan la furi doono waddo walba oo xiran.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay u xiran tahay 36 waddo oo Muqdisho ah, islamarkaana cagta la marin doono.

“Magaalada Muqdisho wado xiran ma jiri doonto, waxaa taas ku dhawaaqay gudoomiyaha gobalka iyo xeer ilaaliyaha qaranka, duqa magaalada ayaa mas’uul ka ah waddo hadii la xirayo ama la furayo, maalmaha soo socda waddo xiran xamar kuma taalli doonto, 36 waddo oo Xamar ku taalla ayaa shaqsiyaad gaar ah u xiran, dhammaan cagta ayaa la marin doonaa waana la furayaa” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir.

Afhayeenka Xalane sheegay in waajib ay tahay in amniga la ilaaliyo, sidoo kalena muhiim ay tahay in shacabka Soomaaliyeed loo furo wadooyinka.

Wadooyin badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo xiran, lana sheegay in loo xiray arrimo amniga quseeya.

Goobjoog News