U bood dhigaalka

Maamulka gobalka bari oo qaswadayaal ku eedeeyay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo ka hadlayay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in shaqsiyaad ku sugan magaalada Boosaaso ay ka dambeeyeen dibadbaxyadaasi.

Wuxuu sheegay in dadkaasi ay qas wadayaal yihiin isla markaana wuxuu sheegay in muddo dadkani ay muddo qorsheynayeen inay sameeyaan kacdoon dadweyne.

Ciidamada Puntland ayaa wararku sheegayaan in shalay ay markii ay wax dhaceen kadib ay gudaha u galeen guriga uu ka deggan yahay Boosaaso guddoomiyihii hore ee gobalka Bari Cabdisamad Gallan inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidanka ay ka waayeen guriga balse ilaaladiisa ay xireen.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dadka abaabulka wada qaarkood ay yihiin dad ka soo jeeda gobalka Bari, wuxuuna sheegay in qofna aan loogu aabbeyeeleynin in falal amni xumo uu geysto.

Shalay ayay ahayd markii dibadbaxyaal careysan ay taayeerro ku gubeen waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi iyagoo ka biyo diidsan hannaanka maamulka Puntland uu u wajahay dhismaha maamulka gobalka, kan degmada iyo sidoo kale dadka madaxda looga dhigay ilaha dhaqaalaha

Goobjoog News