U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Galgaduud Oo Sheegay In Ay Wadaan Dadaallo Lagu Joojinayo Dagaallo Ka Socda Deegaanno Ka Mid Ah Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal xoogan oo ku aadan sidii loo damin lahaa dagaallo ka socda deegaano ka mid ah gobalkaasi, kaasi uu la sheegay in qaab beel uu markii hore ku bilawday.

Gudoomiyaha gobalkaasi Xuseen Wehliye Cirfo ayaa sheegay in dagaalladaan ay  dad badan ku dhinteen, kana qeybgaleen ciidamada New Police ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ka maamul ahan ayuu sheegay in ay wadaan dadaal ballaaran kaasi oo kuaadan sidii xaaladda loo qaboojin lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay gudoomiyaha in arrintaan ay soo fara geliso, si xal degdeg ah loo helo.

Dagaalkaan ka dhacaya deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka mid ah New Police markii weerar ay kusoo qaadeen deegaanno dad shacab ah deganaayeen.

Goobjoog News