U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Gedo Oo Sheegay In Diyaar U Yihiin Doorashooyinka Dalka

Sheeko:Amniga

Maamulka gobalka Gedo ayaa shegay in ay magaalada Garbahaarrey diyaar u tahay in ay ka dhacdo doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad .

Guddoomiyaha Gobalka Gedo Axmed Buulle Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka iyo maamulka gobalka ay muddooyinkii la soo dhaafay ay dadaal xooggan ku bixinayeen sidii gobalka loogu diyaarin lahaa doorashada Baarlamaanka.

Axmed Buulle ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan ammniga guud ee gobalka si gaar ah goobaha ay ka dhacayaan doorashada ay aad u xaqiijiyeen maamulka.

Dhawaan ayeey aheyd markii guddi ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka u guudi uu magacaabay xal ka keeneen khilaafka maamulka Jubbaland iyo kan Farmaajo uu watay ee ka jiray gobalka Gedo.

Goobjoog News