U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Gedo Oo Sheegay in Gaadiid Dagaal Ka Qabsadeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl-gal ay ka sameeyeen degmada baardheere ku soo qabtay Gaadiid dagaal oo ay sheegeen inay lahaayeen Al-Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi ayaa sheegay in Ciidamadu ay dhawaanahanba wadeen howlgalka lagula dagaallamayo Al-Shabaab kaasi oo ka soconyay inta badan deegaanada iyo degnooyinka Gobolka Gedo, haatanna ay u suuragashay inay duleedka degmada Baardheere kasoo qabtaan Gaadiidkan oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay inay saarnaayeen hub iyo waxyaabaha qarxa oo la doonayay in loo adeegsado weerarada Xarumaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka dagan yihiin dagmada Baardheere.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in Gaadiidkan sidoo kale loo adeegsan jiray in lacagaha looga qaado ganacsatada wax soo geliya degmada Baaardheere oo uu sheegay inay uga hortagi jireen wadooyinka soo gala magaaladaasi.

Al-shabaab dhankooda weli wax war ah kama aanay soo saarin waxa ka jira in laga qabsaday gaadiid dagaal iyo in kale.

Degmada Baardheere waxaa muddo ku dhaw 10 sano maamulayay Xarakada Al-shabaab, hase ahaatee ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa halkaasi dagaal ku qabsaday.

Goobjoog News