U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Gedo Oo Si Kulul Uga Hadlay Duqeynta Diyaaradaha Kenya Ee Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Gedo ayaa ka hadlay duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee Kenya ka geysteen deegaanno ka mid ah gobalkaasi.

Gudoomiyaha gobalkaasi Axmed Buulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Kenya ay ka doonayaan inay degdeg uga fiirsato meelaha ay duqeynayaan oo uu sheegay in shacab ay deggan yihiin.

“Dowladda Kenya waxaan leeyahay ka fiirsada meelaha aad duqeynaysaan, shacab iyo cadow maba idiin kala soocna, waa inaadan maatida laynina waa inaad shacabka la shaqeysaan waayo iyagii ayaa idiin ka badbaadiya cadow oo idiin sheega meesha la’idiin kaga soo socdo xitaa askar badan geeyay illaa xuduuda” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha gobalka Gedo ayaa sheegay in ciidamada Kenya hadii ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan dadka shacabka ah ay sahlanaaneyso inay la dagaallamaan Al-shabaab.

Ciidamada Al-shabaaba ayaa Jimcihii aynu kasoo gudubnay weerar ku qaaday xero ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee Gedo, iyadoo dhinaca kale diyaaradaha dagaalka ee Kenya duqeeyeen deegaanno dad shacab ah ay ku noolaayeen.

Goobjoog News