U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan “Baaritaan Ayaan Ku Wadnaa Qaabkii Shacabka Loogu Dilay Halgan”

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan dhacdo maalin kahor ay askar ka mid ah ciidamada Itoobiya ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Halgan ee gobalkaasi.

Salaad Xasan Cabdi oo ah xoghayaha maamulkaasi ayaa Goobjoog News u sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan baaritaan xaqiijin ah, isaga oo sheegay in markii la ogaado sida ay wax u dhaceen ka dib la shaacin doono cidda falkaasi geysatay.

“Anaga waxa aan wadnaa baaritaan, markii howsheena ay soo dhamaato ayaa la shaacin doonaa cidd leh mas’uuliyadda shacabka lagu laayay Halgan” ayuu yiri Xoghayaha.

Dhinaca kale Xoghaye Salaad ayaa sheegay in Laba ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dhacdadii Halgan ay usoo qaadayaan magaalada Muqdisho, ka dib markii xaaladooda caafimaad wax looga qaban waayay Isbitaalka Baladweyne.

Askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa maalin kahor 5 qof oo shacab ah waxa ay ku dileen duleedka deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan, waxaana sidoo kale ay dhaawaceen 6 kale.

Goobjoog News