U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Beeniyay In Ay Ka Qeyb Qaateen Dagaalka Deefow (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

cabdifataax Xassan afraxGudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wararka qaar ee sheegaya in ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa maamulkaasi ay ka qeyb galeen dagaallo ka dhacay deegaanka Deefow ee gobalka Hiiraan.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in warkaasi uu yahay mid la doonayo in bulshada lagu kiciyo, islamarkaana maamulka aanu wax shaqo ah ku lahayn dagaaladaan, waajibka ka saaranna ay tahay sidii dadka loo nabadeen lahaa.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in rag siyaasiin ah ay warkaasi sheegeen, oo ay siyaasadeenayaan dagaalka Deefow waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa war been ah oo meelaha la’isla dhex marayo, wax ka jiro malahan in ciidamada dowladda ay ka qeyb galeen dagaalada Deefoow, ama maamulka ay ka qeyb galeen, ciidanka qabiil wax ka galay malahan, anaga waxaan juhdi ku bixineynaa sidii aynu dagaalka ku damin lahayn, siyaasiin Soomaaliyeed ayaa doonaya in arintaan ay siyaasadeeyaan” ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Hiiraan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa ugu baaqay dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan in ay nabadda qaataan islamarkaana ay wada hadal isugu yimaadaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News