U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Mashaariic Hormarineed Oo Baladweyne Ka Socda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay mashaariic dib u dhis ah oo ka soconayo meelo badan oo magaalada Baladweyne ka mid ah.

Madaxa mashaariicda ee maamulka gobalka Hiiraan Axmed Inji ayaa sheegay in hadda ay socoto dhismaha suuq ku yaala magaaladaasi iyo xarunta maamulka gobalka.

Axmed Inji ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan la dhisayo wado muhiim u ah shacabka Baladweyne, lana sii wadayo howlahaan dib u dhiska ah.

Boqolaal qof oo muruq maal ah ayaa shaqooyin badan ka helay mashaariicdaan dhismo ee ka soconaya magaalada Baladweyne, taasi oo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Waxaa hadda dhismahooda gacanta lagula jiraa suuqyada Buundo-weyn, Xaawo Taako, iyo howlwadaag, sidoo kale waxaa dib u habeyn laga wadaa xarumaha maamulka gobalka Hiiraan iyo kan Baladweyne.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News