U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan oo guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la galeen Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

hhMaamulka gobalka Hiiraan ayaa guulo ka sheegtay dagaaladii ugu dambeyay ee ka dhacay deegaano ka mid ah gobalka Hiiraan, kaa oo ay la galeen ciidamada Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka Gobalka Hiiraan Xasan Maxamed Ibraahim oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dagaalada ay ahaayeen kuwo ay ka gacan siiyeen ciidamo uu ku sheegay dadka deegaanka, ay suura gashay in Al-shabaab meelo badan laga saaro.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in amaanka guud ee gobalka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay iyaga gacanta ku hayaan tahay mid la’isku haleen karo, ciidankuna kusii wajahan yahay deegaano kale.

Dagaalada hadda ka dhanka ah Al-shabaab ayuu sheegay inay ka qeyb qaadanayaan dadka shacabka ah, oo uu ku tilmaamay in aysan u adkeysan dhibaatooyinka Al-shabaab dadka ku hayaan.

Dhawaan dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya Maleeshiyo deegaameed iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaano badan oo ka mid ah gobalka Hiiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News