U bood dhigaalka

Maamulka gobalka Hiiraan oo hanjabaad u diray dadka ku howlan beerista waxyaabaha maanka dooriya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa fariin hanjbaad ah u diray dadka ku howlan beerista waxyaabaha maanka dooriya, xilli shalay ciidamada amniga ay heleen Beer maandooriyaha Xashiiska lagu beeray.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Beladweyne ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan cid walba oo waxyaabahaasi beerta iyo sidoo kale qof walba oo isku dayda in gobalka ay keento.

Gacan adag ayuu sheegay in ay kusoo qaban doonaan dad uu sheegay in ay hadda ku raadjoogaan, kuwaa oo ku lug leh maandooriyahii shalay ciidamada ay soo qabteen.

Dhanka kale Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax ayaa u sheegay qof walba oo ku nool gobalka Hiiraan in aan la aqbali doono faafinta iyo abuurista maandooriyaha nooc walba oo uu noqdo, cidii lagu helaana cadaaladda la horgeyn doono.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Gudoomiyaha.

Goobjoog News