U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Ka Hadlay Sababta Ay Ku Diidan Yihiin Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Dh/dhexe Iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa ka warbixiyay sababta rasmiga ah ee ay ku diidan yihiin guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha Bulshada gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Ismaan Cali, oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in guddigaan aan loo sameyn qaab cadaalad ah, islamarkaana ay yihiin xubno la’iska soo xulay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in ugu horeen ay meesha ka maqan yihiin beello badan oo deggan gobalka Hiiraan, sidoo kalena ay jiraan degmooyin waaweyn oo laga tagay.

“Guddigaas waxaa loo arkay cadaalad darro, qabiil hadii lagu saleeyay beello waaweyn oo gobalka ah ayaa ka maqan, hadii ay tahay deegaanna waxaa meesha ka maqan degmooyin badan, annaga waan rabnaa in maamul aan sameysanno waan soo dhaweyneynaa, laakiinse waxaan leenahay cadaalad darradaasi halala noqdo oo dib haloo dhiso” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in hadii aanay dowladda Federaalka aysan degdeg wax uga bedalin guddigaasi ay iyaguna si wadajir ah go’aan u qaadan doonaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay soo saartay wareegto ay ku macaabeyso guddiga farsamada maamulka loo sameynayo Sh/dhexe iyo Hiiraan kuwaa oo ka kooban 14 xubnood.

Goobjoog News