U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Ka Warbixiyay Dagaallo Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay dagaallo ka dhacay deegaanno ka mid ah gobalkaasi, kuwaa oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka oo garab ka helaya kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Xoghayaha guud ee maamulka Gobalka Hiiraan Salaad Xasan Cabdi oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalladaasi ay ku guuleysteen, ciidankana ay la wareegeen deegaanno badan.

“Waxaa socday howlgal ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan meello badan oo gobalka Hiiraan ah, gaar ahaan bariga iyo Galbeedka, Ceel Cali, Buqda, Halgan iyo tuulooyinka ku dhaw Baladweyne ayuu ka socdaa, welina masoo af jarmin, maalin hore ciidankii jiray Halgan ayaa soo laabtay, hadana wey laabteen oo deegaankaasi ayeey ku dhawyihiin mar kalena lama soo laaban doono, Al-shabaab waxaan ka dilnay 30-askari, maxaabiis badanna waa laga hayaa, tiradooda ayaa la baarayaa, dhammaan aagaga aan marnay waa laga sifeeyay Al-shabaab, saraakiil sarsare ayaana ka dilnay kooxda Nabad diidka ah” ayuu yiri Xoghayaha maamulka gobalka Hiiraan.

Sidoo kale xoghayaha maamulka gobalka Hiiraan Salaad Xasan Cabdi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan deegaanada ay maamulaan Al-shabaab, ee gobalkaasi ka mid ah.

Dhawaan ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya waxa ay dib uga soo laabteen deegaanno ka mid ah gobalkaasi oo Al-shabaab ay ka qabsadeen.

Goobjoog News