U bood dhigaalka

Maamulka gobalka Hiiraan oo laga dalbaday dib u habeynta guryahii ku baaba’ay fatahaadii wabiga Shabelle (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah qoysaskii dhawaan ka barakacay Fatahaadii Wabiga Shabelle uu ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, dibna ugu soo laabto xaafadahooda ayaa ugu baaqay maamulka gobalka Hiiraan in deg deg wax looga qabto guryahooda oo qaarkood ku baaba’ay fatahaadaasi.

Dadkaan oo ku sugan xaafadda Kooshin ee magaalada Baladweyne waxay sheegeen in hadda cayayaan badan uu jiro, Suuliga (Musqulaha) ay yihiin kuwo bur buray, wadooyin ay isaga gudbaanna aysan jirin, sidaa darteed ay dalbanayaan in wax loo qabto.

Waxay sheegayaan dadkaan in ilaa hadda aanu jirin wax loo qabtay, hase ahaatee maamulka xaafadaasi uu qarashaad iyo kaalmooyin kusoo qaato magacooda.

“Ma jirto hay’ad ama maamul wax nasiiyay, waxaan nahay dad dhiban, magacoodana wax lagu qaato” sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah dadkaasi oo u waramay Xarunta Goobjoog Fm, ee magaalada Baladweyne.

Maamulka gobalka Hiiraan waxay ugu baaqeen in deg deg wax loogu qabto, islamarkaana dadka ay yihiin kuwo kaalmooyin aan ka maarmin, dhibaatada ugu darnna ay tahay Cayayaan, iyo wadooyinka go’an.

Halkaan hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News.