U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Shaaciyay Xilliga Uu Furmayo Shirka Maamul u Sameynta Shabellaha Dhexe Iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay xilliga uu furmi doono shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xilli heer gabagaba ah uu marayo shirka dib u heshiisiinta Baladweyne.

Xoghayaha maamulkaasi Salaad Xasan Cabdi oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in bisha Ramadaan markii ay dhamaato la guda geli doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

“Waxaa nagu soo fool leh marka ay dhamaato bisha Ramadaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaan rajeynaynaa in anaga oo diyaar ah ay howshaan timaado” ayuu yiri Xoghaya.

Sidoo kale xoghaye Salaad Xasan ayaa sheegay in gogosha maamul u sameynta gobaladaasi ay ka furan tahay magaalada Baladweyne, isaga oo ugu baaqay cid walba oo maamulkaasi quseyso in ay shirkaasi ay isku soo diyaariyaan.

Ugu dambeyn xoghayaha maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ammaanka magaalada Baladweyne wax badan laga qaban doono maadaama shirweyn lagu qabanayo, waxaana uu sheegay in ciidamada haddaba ay bilaabeen sugidda iyo ka warhaynta amniga Baladweyne.

Goobjoog News