U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Sheegay In Ay La Xisaabtamayaan Hay’adaha Samafalka Ah Ee Ku Sugan Gobalkaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

baladweyne-buundoMaamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la xisaabtanka Hay’adaha Samafalka ah ee ku sugan gobalkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Cismaan Xasan oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in ay jiraan xaalad daran oo soo wajahday shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan.

Hay’adaha qaar ayuu sheegay in ay cago jiid ka yihiin in ay wax u qabtaan shacabka dhiban, xilliga loo baahan yahayna ay tahay waqtiyada dhibaatadu timaado.

Waxa uu tilmaamay Gudoomiye ku xigeenka in arintan in muda ah ay soo jiitamaysay hase ahaatee ay ka hortagi doonaan, hay’ad walba oo aan shacabka wax u qabanna lala xisaabtamayo.

Deegaano ka mid ah gobalka Hiiraan waxaa ka jira dhibaatooyin adag oo xagga nolosha ah, welina ma jirto kaalmo rasmi ah oo dadkaasi la gaarsiiyay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News