U bood dhigaalka

Maamulka gobalka Hiiraan oo sheegay in isbedal dhanka amniga ah laga dareemayo gobalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xilligaan isbedal dhanka amaanka ah laga dareemayo dhamaan deegaanada maamulkaasi gacanta ugu jira.

Maxamed Ibraahim C/laahi oo ah gudoomiye ku xigeenka ee dhanka siyaasadda iyo amaanka maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay mar uu saxaafadda la hadlay in howlgalka India Ocean ay ku qabteen deegaano badan.

Shacabka ayuu sheegay in hadda ay dareemayaan nafis amni, dhawaanna ay ku haminaayaan in ay la wareegaan deegaanada ku harsan gacanta Al-shabaab.

Dhanka kale Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in shacabka gobalka laga sii doonayo inay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si amniga hadda jiro loo sii xaqiijoyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso warkaan oo maqal ah.

Goobjoog News