U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Mudug Ee Gal-mudug Oo Digniin u Diray Darawalada Sida Xowliga Ah Gaadiidka Ugu Dhex Wada Gaalkacyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Magaalada Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo

Maamulka gobalka Mudug ee Gal-mudug ayaa digniin u jeediyay darawalada gaadiidka ee Magaalada Gaalkacyo, ka dib shilal kusoo batay magaaladaasi.

Aweys Cali Saciid oo ah gudoomiyaha Gal-mudug u qaabilsan gobalka Mudug ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay keeneen gaadiidka ay dhalinyarada wadaan ka dib markii la dhisay wadooyinka Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in gudiga amniga waxbadan uu ka qaban doono arintaan soo laab laabtay si loo yareeyo shilalka gaadiidka ee dhaca, waxaana uu tilmaamay in cadaaladda la hor keenayo cidii lagu qabto iyadoo gaadiidka xowli u wada.

Dhinaca kale waxa uu sheegay gudoomiye Aweys in sidoo kale lasoo saari doono go’aamo cad cad iyo talaabooyinka laga qaadi doono darawalkii xadgudub sameeya.

Dhawaan waxaa dib u habeyn lagu sameeyay wadooyinka magaalada Gaalkacyo, waxaana taasi ay sabab u noqotay in shilalka ay bataan, ka dib gaadiidka oo la bilaabay in xawaare xoogan lagu wado.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News