U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay Qoysas Caruurtooda Sumowday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharMaamulka gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa deeq lacageed gaarsiiyay qoysas caruurtooda dhawaan ku waxyeeloobay raashiin ay  cuneen, kuwaas oo la sheegay in ay sumeysnaayeen.

Xubno uu horkaacayay gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasadda iyo amniga maamulkaasi Axmed Mayre Makaraan ayaa gaaray Isbitaalka INTERSOS oo ay ku jireen caruurtii sumoobay.

Waxa ay gaarsiiyeen lacag gaaraysa 10 Milyan oo Shilin Soomaali ah, waxaana ay sheegeen in ay ku dadaali doonaan sidii dadkaan loo sii daweyn lahaa.

Maamulka Isbitaalka dadkaan ay jiifaan ayaa dhankooda sheegay in xaaladda caruurtaan sumoobay ay yihiin kuwo hadda kasoo raynaya sidii hore.

Int badan qoysaska xoola dhaqatada ah ayaa ku waxyeelowda sun ay u adeegsadaan xoolaha iyaga oo mararka qaar ku isticmaala alaabta ay raashiinka ku cunaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News