U bood dhigaalka

Maamulka gobalka Shabeelllaha Dhexe oo sheegay in sheegay in ay wadayaan dagaalka ka dhanka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Axmed Meyre Makaraan guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ka hadlay hawlgallada ka socda gobalka ee ka dhanka ah ururka alshabaab.

Guddoomiye Makaraan oo gaaray qaar kamid ah deegannada dhawaan alshabaab laga saaray ayaa sheegay in ay dagaalka uu sii socon doono.

Axmed Meyre Makaraan oo uu wehliyo Abaanduulaha Guutada 4-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed Bashiir Mukhtaar Siteey ayaa kormeer ku tagay Tuulooyinka Ceel-Muluq Boos Hareeri iyo Degaanka Alkowsar, ayaa sheegay in dagaalka uusan halkaan ku ekeen balse aysan sii wadi doonin.

guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay u diyaarsan yihiin dagaalka.

Goobjoog News