U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Shabellaha Hoose Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Sarkaal Ka Tirsan Xarakada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlagallo ay ciidamo amniga ka sameeyeen deegaanno ka mid ah gobalkaasi.

Afhayeenka maamulkaasi Maxamed Shiine oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgalkii ugu ballaarnaa ay ka sameeyeen degmada Qoryooley ay dad badan kusoo qabteen.

Dadka ay qabteen ayuu sheegay inuu ku jiray sarkaal ka mid ah Xarakada Al-shabaab, islamarkaana aanu magaciisa sheegin, hase ahaatee uu tilmaamay inuu ahaa shaqsigii Miinada ku xiray Buundada Qoryooley.

“Howlgallada Qoryooley dad badan baan kusoo qabannay, balse waxaa suurta gashay inaan qabanno si gaar ah, amiir ka tirsan Al-shabaab, gaar ahaan ah ninkii qarxiyay Buundada Qoryooley, saxaafadda ayaan usoo bandhigi donnaa, waxaana gacanta ku haya ciidamada amniga” ayuu yiri Afhayeen Maxamed.

Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal sarkaalkaan la sheegay in laga qabtay, hase ahaatee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay wadeen howlgallo amniga lagu sugayey.

Goobjoog News