U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Sh/hoose Oo Ka Hadlay Halkii Ay Ku Wajahneed Diyaaradii Shalay Ku Dhacay Duleedka Afgooye

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha Hoose ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay halka laga leeyahay diyaaradii shalay kusoo dhacday deegaan ku dhaw degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, iyo sidoo kale halkay ka timid iyo cidda ay u rarneed.

Afhayeenka maamulkaasi Maxamed Shiino oo saaka la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in diyaaradaan ay waday lacag iyo sahay, , iyadoo ku wajahneed Ballidoogle waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in diyaaradaan laga leeyahay dalka Maraykanka, islamarkaana markii ay tagto Ballidoogle ay usii gudbi rabtay magaalada Baydhaba, balse cillad heshay ay usoo dhacday.

“Diyaaradii shalay ku dhacday deegaanka Cismaan Durre weli way taallaa, waxay ka timid Nairobi, waxaa laga leeyahay Maraykanka, waxay ahayd Cargo, deegaanka Ballidoogle ayeey ku socotay, waxaana lagu waday in halkaasi ay ku dejiso alaab iyo lacag, ka dibna waxay u gudbi rabtay magaalada Baydhaba, laakiinse cillad ayaa haleeshay, weli meesheedii ayeey taalaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Afhayeen Shiino ayaa sheegay in deegaanka ay hadda taalo diyaaradda aanu maamulkooda ka talin, islamarkaana halkaasi ay xarun u ahaan jirtay Xarakada Al-shabaab.

Dadkii la socday diyaaradaasi ayuu tiradoodu ku sheegay 12 qof oo mid ka mid ah yahay Soomaali, kuwaas oo weli nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Dhinaca kale Afhayeen Shiino ayaa sheegay in iyaga aysan tagin deegaankaasi sababa la xiriira roobab xooggan oo halkaasi ka socda, sidoo kalena dhulka oo ah Dhoobeey.

Diyaarado Helicopters ah ayuu sheegay inay dul socdaan halka ay diyaaraddu ku dhacday, islamarkaana lagu dadaalayo sidii loo heli lahaa dadkii saarnaa diyaaradaasi.

Afhayeen Shiino ayaa shalay markii ay diyaaradda dhacday waxa uu Goobjoog News u sheegay in isaga uu dul tagay halkii diyaaradda ay ku dhacday, waxaana hadalkaasi uu ku buriyay wareysiga kale uu saaka siiyay isla Goobjoog.

Gobjoog News