U bood dhigaalka

Maamulka gobalka Sh/hoose oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad ka shaqeynayay falal amniga ka dhan ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dad ka shaqeynayay falal amniga liddi ku ah, kuwaa oo uu tilmaamay in dhawaan cadaaladda la hor keenayo.

Cali Nuur Maxamed oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada ay sameeyeen howlgalo amni xaqiijin ah, ayna soo qabteen dadkii ugu badnaa.

Dhinaca kale waxa uu gudoomiye ku xigeenka sheegay in kulan ka dhacay degmada Afgooye looga hadlay arimo ku saabsan wax ka qabashada amaanka, ayna soo saareen go’aamo buuxa.

Cali Nuur ayaa sheegay in habeen iyo maalin ay ciidamada sameyn doonaan howlgalo balaaran, islamarkaana ay soo qaban doonaan cid walba oo shacabka dhibaato ku haysa.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa falal amni darro ah ay kusoo badanayeen degmada Afgooye iyo sidoo kale deegaano kale oo gobalka Shabeelaha Hoose ka mid ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News