U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir: Gaari Qarax Siday Ayaa Lagu Qabtay Xeebta Liido

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in habeenkii xalay ahaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis lagu qabtay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo maamulka sheegay in la doonayey in shacabka lagu dhibaateeyo.

C/fitaax Xalane oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shacabka ay soo sheegeen gaarigaasi oo ahaa nooca loo yaqaan Kaaribta.

Waxa uu tilmaamay in gaariga markii la qabtay kadib laga furay walaxaha qarxa ee saarnaa.

“Waxaa xalay Liido lagu qabtay gaari uu saaran yahay qarax, waxaa soo sheegay shacabka Soomaaliyeed oo usoo gudbiyey ciidanka in gaari Kaarib ah uu yaallo baar ku yaalla aargada Liido agteeda, ciidamada Miino baarista ayaa yimid si nabad galyo ah ayaana looga furay gaariga, cadowga waxay rabaan inay umadda dhibaateeyaan, ciidankuna waxay u taagan yihiin inay badbaadiyaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu Dambeyn Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Muqdisho inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago falalka amni darada ah.

Goobjoog News