U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Amniga oo Ka Shiray Amniga Caasimadda

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)oo ay wehliyaan  Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir Iyo saraakiisha Laamaha Amniga.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida, waxaana madaxda iyo Saraakiisha kulankan ka hadashay ay si wadajir u amaaneen hey’addaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay Amniga Caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad oo muddooyinkaan caasimadda u kuurgalyay ammaanka iyo isbedelka laga sameeyay, isaga oo booqday Koontroollo ku yaalla gudaha iyo daafaha caasimadda Muqdisho, bulshada ayaa ciidanka NISA iyo Police Miltaro ku amaanay sida ay u xasiliyeen caasimadda iyo iskaashigooda.
Ciidamada kale duwan ee ka howlgalo caasimadda ayaa muddooyinkii dambe ka waday howlgallo lagu sugayo amniga guud ee caasimadda, waxaana ciidamadu ay ka hortageen falal amniga lid ku ah oo dhacay, ciidanka ayaa sidoo kale degmooyinka gobolka ka waday la dagaalanka waxyabaha maanka dooriya iyo Ciyaal Weerada, kuwaas oo bulshada caasimaddu sheegtay in ay wax ka qabteen ciidanka ammaanka.
Goobjoog News