U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir iyo UNDP oo Ka Wadahadlay Xaaladda Caasimadda

Sheeko:Amniga
Guddomiye Ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xafiiskiisa kula kulmay. Agaasimaha Guud ee UNDP mr Jocelyn mason iyo ku xigeenka UNDP marwo Sophie kemkhdze.
Maamulka Gobolka Banadir iyo UNDP ayaa ka wada hadlay in la iska kaashado dhinacyada sida Dib u hishiisiinta, Xasilinta , Golaha Degaanka Degmooyinka , nabad dhiska Maamulka wanaag , Daadajijta Maamulka Haweenka shaqa abuurka dhalinyarda iyo kor u qaadista xirfadaha gacanta ee la barayo dhalinyarda Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in kor loo qaado howlaha wacyigalinta bulshada oo ay qeeyb ka tahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada kasoo baxa jaamcadaha.
UNDP ayaa Gobolka banadir ka taageeri doonto Howlaha xasilinta , Dib u hishissinta iyo Hanaanka farsamo ee Maamul u sameeynya Magaalada muqdisho oo ay ugu horeeyso Hanaanka Golayaasha degaanka heer gobol iyo heer Degmo.
Ugu Dambeeyntii Guddomiye Yabooh ayaa sagootiyey Agaasimaha Guud ee UNDP Mr Jocelyn oo ka dhamaaday xili mandate-kisa ee Somaaliya waxuuna sidoo kale soo dhaweeyey Marwa Sophie oo sii noqon doonto wakiilka UNDP ee Soomaaliya.
Goobjoog News