U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Xubno Ka Socday Turkiga Oo Ka Shiray Dib u Dhiska Wadada 30-ka Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Xubno ka socday dowladda Hoose ee Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa kulankaan looga hadlay dhismaha dowladda Turkiga ku sameyn doonto wadada 30-ka Ee Magaalada Muqdisho, maadaama wadadu ay tahay mid aad u burbursan.

C/fitaax Cumar Xalane oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa kulanka kadib saxaafadda u faah faahiyey kulankaasi, waxaana uu sheegay in maanta la go’aamiyey dhismaha wadadaasi iyo waqtiga ay billaaban doonto.

“Waxaa laga wada hadlay dhismaha wadada 30 oo muhiim ah waxaa maanta la go’aamiyey dhismaheedii, xilliga la billaabayo, Injineeradii dhisi lahaa iyo kaalinta ay dowladda hoose ee Xamar qaadan lahayd iyo sida ay shaqooyinkaasi u socon lahaayeen ayaa maanta guddoomiyaha gobolka kala hadlay guddigii farsamo ee billowga waddadaasi ahaa, waad ogeydeen in madaxweynaha dalka Turkiga wadanka yimid, wadanakana wax badan ay la qabteen hadane diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan, taas waa arrinta ku saabsan wadadaasi 30-ka oo ku dhawaad 12-KM ah ayuu guddoomiyaha gobolku kala hadlay guddigii ka socday dowladda hoose ee Turkiga ee gacanta ka geysan lahaa dhismaha wadada 30-ka” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa wax laga weydiiyay amniga gobolka Banaadir oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacaayeen falal amni darri ah iyo baaritaannada ay ciidamada ka wadaan magaallada natiijooyinka kasoo baxay.

“Ciddii waqtigeedu dhammaado wey dhimaneysaa, hadana waxaan rabnaa inaan qaadanno waajibkeenna, gobolka Banaadir ammaanka isaga ayaa inta badan maamula inkastoo aan si dhab ah loogu wada wareejin, hadana intaan fashilineyno iyo inta aynu qabaneyno wey badan yihiin, marka baaritaankaasina waa uu socdaa, waan ognahay in guddomiye Waaxeed lagu dilay degmada Warta Nabadda, mas’uuliyaddaasi meel ayeey fuuleysaa, maanta laga billaabo aqbali mayno wey dileen weyna baxsadeen, waxaan rabnaa inta aysan dilin baa la dilay weyna imaan doontaa” ayuu yiri Afhayeen Xalane.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa wixii ka dambeeyay bilshada bisha Ramadan aad loo adkeeyay iyadoo magaallada oo dhan lagu soo daadiyey ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabad sugid, meelaha qaarka waxaa lagu arkayaa Booliiska AMISOM.

Goobjoog News