U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waax hoos timaada degmada Xamar Jajab

Sheeko:Dalka

muungaab

Guddoomiyaha gogolka Banaadir ayaa maanta xariga ka jaray xarunta waaxda 1-da May ee degmada Xamar Jajab kadib markii dib u dayactir lagu sameeyay.

Munaasabad kooban oo xariga looga jarayay Waaxda saddexaad ee degmada Xamar Jajab waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, qeybaha bulshada iyo maamulka degmada Xamar Jajab iyadoo dhawaan xaruntaasi dib u dhis lagu sameeyay.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in xaruntan ay qeyb ka tahay xarumaha danta guud ee loogu adeegayo bulshada, waxaana uu uga mahad celiyay hay’adihii maamulka gobolka Banaadir ka taageeray dib u dhiska xaruntan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo goobta hadal ka jeediyay ayaa ku booriyay maamulka degmada Xamar Jajab iyo shacabka in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta adeegyada guud ee bulshada.

Xildhibaan Dalxa ayaa ku amaanay dadaallada uu Muungaab ka wado Muqdisho ee ku aadan dib u dhiska xarumaha loogu adeegayo bulshada.