U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir oo Diidey Tirakoobka La Sameeyey

Sheeko:Dalka

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Xuseen Muungaab ayaa lagu sheegey in tirakoobkii ay dhawaan soo saartay wasaaradda qorsheynta uu ahaa mid aanan sax ahayn, aanana ka turjumeynin tirada saxda ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu sheegey in dadka Banaadir ay dhanyihiin sedex malyuun iyo dhawr boqol oo kun, tirakoobkaasina ay sameeyeen maamulka, sidaasi darteed tirakoobka ay wasaaradda soo saartay uu yahay mid aanan sax ahayn.

Wasaaradda waxa ay sheegtey in dadka ku nool Muqdisho ay dhanyihiin hal milyan iyo lix boqol oo kun.

Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa dhamaantood ka hor yimid tirakoobka.

 

Goobjoog News