U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Banaadir oo eedeyn u jeediyay wasaarada maaliyadda

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in wasaarada maaliyada xukuumadda Federaalka Soomaaliya caqabad ay ku noqotay hawlihii canshuur ururinta   ee dowladda hoose.

La taliyaha maamulka gobolka Banaadir dhinaca canshuuraha Injineer Axmed ayaa war fidiyeenka u sheegay in xubno ka tirsan wasaaradda hawlihii maamulka fara galin ay ku hayaan.

Dacwad ka dhan ah wasaarada ayuu sheegay Ingineerkan in ay u gudbiyeen xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda.

Waxa uu xusay in wasaarada maaliyadda ay lacag gaarayso 20 dollar bil kasta ka qaado xarumaha gacansiga sida dukaamada isla markaana baabuurta dad waynaha ee ka shaqeeya gobolada iyo gudaha magaalada bil walba laga qaado lacag 60 dollar ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa shalay shaaca ka qaaday in xukuumadda ay ka waayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen ka maamul ahaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka wasaarada maaliyada oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay.