U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Digay Shaqsiyaad Ka Madax Banaan Maamulkooda Oo Canshuur Ka Qaada Degmooyin Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo xubno ka mid ah maamulkaasi ayaa maanta kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho oo xilligaan ay ka socoto uruurinta canshuuraha guryaha.

Gudoomiye ku xigeenka oo saxaafadda la hadlay ayaa ugu horeen sheegay in shacabka ay canshuuraha ku dhiibi karaan xafiiska degmooyinka ay degan yihiin ee waaxda canshuuraha, isaga oo ka digay in aysan ku qaldamin dadka sheeganaya inay canshuurta qaadayaan.

Meesha kaliya ee lacagta canshuurta lagu dhiibi karo ayuu sheegay inay tahay xafiiska degmada ee waaxda Canshuuraha, una sheegay dadka in marnaba aanay gurigooda canshuurta ku bixin.

“Meesha kaliya ee canshuurta lagu bixin karo waa xafiiska waaxda canshuurha ay ku leedahay xarumaha degmooyinka magaalada Muqdisho, qofna yuusan gurigiisa isaga oo jooga canshuur ku bixin, cidii lacag meel cidlo ah ku bixiso iyadaa mas’uul ka ah”

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in hadii ay gacanta ku dhigaan shaqsi hubeysan misane sheegaya in canshuur uu qaadayo la marsiin doono sharciga.

Dhawaan ayaa degmooyinka magaalada Muqdisho waxaa ka billawday qaadista lacagaha Canshuuraha Guryaha, waxaana maamulka gobalka uu sheegay in lacagahaasi lagu dhisi doono wadada Wadnaha oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News