U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Odey Muqdisho Logu Dilay

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dil maanta askari la sheegay inuu ka tirsanaa dowladda qof shacab ah ugu geystay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ka hadlay dilkaas ayaa waxaa uu sheegay in xiliga uu falku dhacay uu kusoo aaday goobta, isagoona xusay in Ciidankiisa ay qabteen Askariga.

“Waxaan anigoo marayay wadada ceelgaabta ee aada Madaxtooyada dhanka degmada Xamarjajab ku soo aadnay xili fal dil ah uu geystay askari katirsan booliiska kaas oo qof shacab ah ku dilay agagaarka ceelgaabta” ayuu yiqi Tuulax.

Marxuumka maanta la dilay ayaa miis yar waxaa uu ku lahaa aaggaas isaga oo iibin jiray bagaash uu ku jiro sigaarka, kaas muran ka dhashay uu askariga xabadda ugu dhuftay sida ay sheegeen dadkii goobjooga ahaa.

Goobjoog News