U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir oo Ka Warbixiyey Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey  qarax maanta ka dhacay malaagada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiro  oo soo gaaray dad shacab ah .

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar  Xasan oo warbaahinta kula hadlay goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in  la xaqiijiyey in  qaraxa  ay wax ku noqdeen 6 ruux oo afar ka mid ah ay isku qoys ahaayeen.

Afhayeenka ayaa  sidoo kale xusay in la xaqiijiyey afar ruux oo isku qoys ah oo waxyeello ka soo gaartay qaraxa in sedex ka mid ah ay geeriyoodeen ka dib markii la geeyey goobaha caafimaadka, sedexda ruux ayaa kala  ahaa Aabihii qoyska waxyeelladu soo gaartay , Hooyadii iyo Caruur ay dhaleen, kuwaas oo ganacsi yar ku lahaa goobta ay wax ka dhaceen sida warbaahinta uu u sheegay Afhayenka gobolka  Banaadir Saalax Cumar Xasan Dheere.

“Waxaa dhacday in uu ruux naftii haliga ah uu soo dhex galay dad shacab ah naftiisiina haligay shacab danley ah qaarkood oo meeshaan ku ganacsanaayey iyo dadkii deganaa halkaan uu ku halaagay, Inta la xaqiijiyey khasaaraha waxaa ay  gaarayaan 6 qof waxaana ku jira 4 qof oo hal qoys ah waxaana markii goobaha caafimaadka la geeyey  nasoo gaaraya in sedex ka mid ah ay geeriyoodeen” ayuu yiri afhayeenka.

Afhayeen Saalax Cumar Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay  taxadir dheeri ah ay muujiyaan, si dhowna ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya si loo badbaadiyo  nafta iyo maalka shacabka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa mar weliba ka dhaca qaraxyo  kuwaas oo ay oo ay ka dhashaan khasaare isugu jira dhimasho ,  dhaawac iyo burbur hanyiyadeed oo soo gaaroo dadka shacabka ah.

Goobjoog News