U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Banaadir oo ku baaqay ka qeyb galka dhismaha xarunta Fiisha Gufeyrno

Sheeko:War
Cali seeko
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cali Seeko

Maamulka gobalka Banaadir ayaa ka dalbaday ganacsatada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay si hagar la’aan ah uga qeyb qaataan dhismaha xarunta Fiisha Guweyrno ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Cali Aadan Seeko ayaa mar uu saxaafadda la hadlaayay waxa uu sheegay in cid walba oo Soomaaliyeed looga baahan yahay kaalinteeda inay muujiso, si loo arko bulsho dalkeeda dhisanaysa.

Waxa uu ugu baaqay ganacsatada soomaaliyeed in si wadajir ah uga qeyb qaataan dhismaha dayactirka ah ee xarunta Fiisha Guweyrno ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha dib loogu dayac tirayo xarunta Fiisha Guweyrno waxaa hore u dhagax dhigay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hore ugu shaqeyn jiray xaruntaasi maamulkii gobolka Banaadir xilligii dowladii dhexe ee dalka.